Dilal ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne

Dabley hubaysan ayaa xalay Aargada Dayniile ku dilay Guddoomiyihii waaxda Kurdamac ee degmada Dayniile Cabdi Cabdulle Cismaan (Cabdi Juge).

War ka soo baxay mas’uuliyiinta degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Laamaha Amnigu ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah dableydii dilka gaystay oo dhaawacan.

Dhinaca kale koox hubaysan ayaa xalay xaafadda Xaawa-taako ee magaalada Beledweyne ku dilay Guddoomiyihii Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Faarax Diir Cabdi.

Kooxda dilka gaystay ayaa sidoo kale dhaawac gaarsiiyay saddex qof oo weheliyay marxuumka sida laga soo xigtay Goob-joogayaal.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilalkaas ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyne.

PUNTLAND POST