Madaxweyne Biixi oo ka shaqeeyay in Soltelco u tanaasulo Cabdikariim Axmed Mooge

Madaxweynaha Somaliland Biixi Cabdi ayaa xalay kulan isugu yeeray maayirkii hore ee magaalada Hargeisa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo murashaxa cusub ee maayirka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge.

War ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay, in Madaxweyne Muuse Biixi uu maayirkii hore ee Hargeysa ku qanciyay in aanu mar kale isu-sharrixin xilka maayirnimada, islamarkaana u tanaasulo murashaxa cusub ee Cabdikariim Axmed Mooge..

Warka waxa lagu sheegay in sidoo kale Madaxweynuhu uu dardaaran faray Cabdikariim Axmed Mooge oo hadda u taagan qabashada jagada Maayirnimo ee magaalada Hargeysa.

Murashax Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan ayaa loo badinayaa in uu noqon doono maayirka magaalada Hargeysa ee shanta sano ee soo socota.

PUNTLAND POST