Guddi ka tirsan Baarlamanka Puntland oo warbixin ka dhegeystay mas’uuliyiinta Waxbarashada

Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Baarlamanka Puntland ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dawladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo  Tacliinta sare ee dowladda PuntlandCabdullahi Maxamed Xassan oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud Wasaaradda Maxamed Cali Faarax ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira.

Waxa sidoo kale su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda ayna doorkooda ka qaadanayaan.

Dhanka kalena, Guddiga ayaa kormeer ku tagay Xarunta Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada Puntland halkaas oo ay warbixino uga dhegeysteen maamulka xarunta.

PUNTLAND POST