Dowladda Soomaaliya oo beenisay in Ciidamo Soomaali ah ka dagaallameen Gobolka Tigray

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay warbixinta baaraha guddiga xuquuqul insaanka Qaramada Midoobey oo dhowaan soo saaray taas oo lagu sheegay in ciidan Soomaaliyeed oo tababar ku qaadanaya dalka Eritrea ay ka qeybgaleen dagaalka gobolka Tigraay ee Ethiopia.

Waxaa uu sheegay in warbixinta Qaramada Midoobay aysan heysan wax daliil ah oo caddaynaya warkaas, isaga oo intaas ku daray in siyaasiyiin dano gaar ah ka raadinaya ay arrintaas buun buuniyaan.

Wasiir Dubbe, waxaa uu tilmaamay in ciidanka Soomaaliyeed ee lagu tababarayo dalka Eritrea uusan ka qeybgalin dagaalka Itoobiya isla markaana aaney jirin baahi arrintaas loo qabo.

Wasiirka ayaa sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa mucaaradka ah ee maalin kasta ka hadla arrinta ciidanka Eritrea jooga aysan marna soo hadal qaadin duqaymaha Kenya ku hayso meelo kamid ah Soomaaliya.

PUNTLAND POST