Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddiga sare ee Farsamada doorashooyinka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi qaabilsan isku xirka dhinacyada ku hawallan arrimaha doorashooyinka dalka.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu magacaabay guddiga sare ee farsamada, oo arrimaha doorashada ka taageeraya Ra’iisul wasaaraha, kana kooban todoba xubnood.

Guddigaas ayaa ka shaqayn doona isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hey’adaha ku shaqada leh, sida Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Guddiga ayaa kala ah:

Cabdulqaadir Cilmi Cali

Avv. Cumar Maxamed Cabdulle

Faadumo Cabdi Cali

Maxamuud Maxamed Rooble

Leyla Cabdikariin Maxamed

Liibaan Rabiile Good iyo

Maxamuud Maxamed Rooble.

PUNTLAND POST