Ciidamada Israa’iil oo in ka badan 500 oo duqaymood xalay ka fuliyay marinka QASA

Ciidamada Israa’iil ayaa xalay mar kale in ka badan 500 oo duqaymood ka fuliyay gooba kala duwan oo ku yaal marinka QASA, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Ugu yaraan 69 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 17 carruur ah iyo 7 haween ah ayaa ku dhintay duqaymahaas, halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 388 ruux, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Caafimadka Falastiiniyiinta.

Dhinaca kale, Xoogagga Falastiiniyiinta Xammaas ayaa sheegay in ay 130 gantaal ku rideen dhinaca Israa’iil, kuwaas oo ku dhacay bartilmaameedyo ku yaalla magaalooyin ka tirsan dhulka Yahuudda, islamarkaana khasaare kala duwan dhaliyay.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sidoo kale xaqiijisay in gantaalo laga soo riday marinka QASA ay ku dhaceen gudaha Israa’iil, ayna jiraan dad ku waxyeelloobay iyo gurya ku gubtay duqaymaha, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin.

PUNTLAND POST