Puntland oo joojisay dadka ka imaanaya dalka Hindiya

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Garoowe ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ka jirta wadanka Hindiya ee xanuunka Covid19, waxaana uu sheegay in wadankaas uu ka jiro sida WHO cadaysay nooc cusub oo caabuqa ah kaas oo ka halis badan noocyadii kale ee Soomaliya ka jiray.

“Hadaba anaga oo ilaalinayna badqabka muwaadiniintayada waxaan joojinay dadka ka imaanaya wadankaas waxaana ka codsanaynaa inay sii joogaan inta xaaladu is badalayso. Hadii ay dhacdo in qof uu yimaadaana waxaan diyaarinay inaan galino labo todobaad oo karantiil ah si loo hubiyo inuu caafimaad qabo meesha uu doono ha soo maro” ayuuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale kula taliyay dawlada dhexe iyo maamulada kale ee dalka ka jira inay go’aan kaan oo kale qaataan si looga badbaado in dad xanuunka qaba ay dalka yimaadaan.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa sidoo kale bulshada la wadaagay in bishan dhamadkeeda la bilaabi doono wajiga labaad ee talaalka Covid19, kaas oo la siin doono dadkii horay uqaatay kii koowaad, halka dadka aan kii hore qaadana uu sheegay in weli talaalku diyaar ugu yahay xarumaha caafimaadka Puntland.

PUNTLAND POST