Dowladda Sweden oo bogaadisay guddiga doorashooyinka Puntland

Iyadoo shalay guddiga KMG doorashooyinka Puntland soo bandhigay tijaabo ku saabsan hannaanka diiwaan-gelinta codbixiyaasha, ayaa waxa tallabadaas bogaadisay dowladda Sweden.

Dowladda Sweden waxay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ku hambalyeysay shaqada ay hayaan ee ku jihaysan hirgelinta doorasho ku dhisan hannaanka xisbiyada badan, si shacabka loo gaarsiiyo in ay codkooda wax ku doortaan.

Guddiga ayaa sheegay in ay diiwaan-gelinta codbixiyaasha dhowaan ka bilaabi doonaan saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, kuwaas oo bartamaha sannadkan laga qaban doono doorashooyin tijaabo ah.

Sidoo kale, horraanta sannadka soo socda ayaa la filaya in dhammaan degmooyinka Puntland laga qabto doorashooyinka dowladaha hoose oo ku salaysan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod.

PUNTLAND POST