Xubno ka tirsan golaha degaanka Buurtinle oo dacwad u gudbiyay wasiir Dhabancad

Xildhibaanno ka tirsan golaha degaanka Buurtinle, oo uu weheliyo guddoomiye ku xigeenka degmadaas, ayaa dacwad ka gudbiyay guddoomiyaha degmada Buurtinle.

Xildhibaannada ayaa warqad ay u gudbiyeen wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ku sheegay, in guddoomiyaha degmada aysan ka helin wax wada-shaqayn ah, islamarkaana talooyin badan oo ay u jeediyeen, uu dheg jalaq u siin waayay.

Xubnahan ayaa sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha ka dalbaday, in ay u furto kal-fadhiga golaha degaanka, oo sida ay sheegeen mudda saddex bilood ah dhaafay mudadii lagu qaban jiray fadhigaas.

Golaha degaanka degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, ayaa waayadan dambe waxa ka aloosnaa muran iyo jaahwareer ku saabsan shaqada maamulka degmada.

PUNTLAND POST