Qaxooti ka badan 60 Qoys oo soo gaaray Boosaaso

Ilaa 61 Qoys oo ka kooban Soomaali iyo Yemeniyiin ka soo cararay colaadda ka aloosan waddanka Yemen, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegtay in dekedda Boosaaso lagu soo dhoweeyay Qaxootigaas oo isu’gu jira Soomaali iyo yemeniyiin, islamarkaana ka soo cararay rabshadaha iyo dhibaatooyinka ka jira waddanka Yemen.

Waxaa maanta Dekedda magaalada Bosaso soo gaaray Doon sidday Qaxooti Yemeniyiin ah iyo Soomali kasoo cararay rabshadaha iyo dhibaatooyinka ka jira waddanka Yemen.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Wasaaradda.

Qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen, ayaa sannadihii u dambeeyay si joogto ah u soo gaarayay gudaha Puntland, gaar ahaanna Boosaaso.

PUNTLAND POST