
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Safarka madaxweyne Deni, waxa Puntland Post u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan madaxtooyada, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin ujeedka safarkaas.
Dhinaca kale, madaxweyne Siciid Deni ayaa saaka xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Puntland, Guy Griffin.
Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in kulanka labada mas’uul looga hadlay arrrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
PUNTLAND POST