Lafta Gareen oo guddi u saaray dhacdo caruur lagu dilay Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Guddiga baaris kumeel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska Carruurtii Walaalaha ahaa ee lagu dilay Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in kadib markuu texgaliyay muhiimadda ay leedahay in xal kama dambees ah laga gaaro dilka
labada caruur uu Magacaabay  Guddi baaris kumeel-gaar ah, kuwaas oo kala ah.

1 Wasiir Maxamed Xuseen Xasan Gudoomiye
2 Wasiir Salax Shariif sayid Cali
Xubin
3. Aadan Cabdulaahi Macalin (Haji Eney)
Xubin
4 Malaq Cali Malaq Xasan Cali Qataar
Xubin
5 Maxamed Sheikh Adan (Bilow)
Xubin
6. Prof Abdisalam Ahmed Malla
Xubin
7. G/Dhexe Maxamed Xuseen Axmed
Xubin
7. Gashanle Ibraahim Cabdulle C/ raxaman
Xubin
9. Gashanle Muse Maxamed Xasan
Xubin

7-dii Bishii Apriil ayaa meydka labada Carruurta ah oo uu dhalay Xildhibaan hore Macalin Aweys Cabdullaahi oo ka tirsanaa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed uu u qabtay falkaas lix ruux oo dhawaan Maxkamad lahor keeni doono.

PUNTLAND POST