Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho

Saddex ruux ayaa ku dhintay, mid kalena waa ku dhaawacmay, kadib markii qarax lala beegsaday  gaari nooca raaxad ah o marayay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso, ayaa la kacay gaari LandCruiser ah oo halkaas marayay, inkastoo aan weli la xaqiijin cidda qaraxa lagu beegsanayay.

Laamaha Booliiska iyo danbi baarista dowladda oo goobta tegay, ayaa laga soo xigtay in ay baaritaan ku wadaan dhacdadaan.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa, islamarkaana faahfaahin buuxda lama helin.

PUNTLAND POST