Gaadiid fara badan oo mar kale ku xannibmay Togga Ceeldaahir

Mowjado daadad ah oo ka dhashay Roobabka Gu’ga, ayaa buuxiyay togga Ceeldaahir ee Gobolka Bari, taas oo mar kale  xannibaad ku keentay isu-socodka Gaadiidka.

Gaadiid kala duwan oo isu’gu jira Rakaab iyo Xamuul, ayaa mudda saacado ah ku xanniban Toggaas oo daadad xooggan ku soo dhaceen sida ay xaqiijiyeen Goob-joogayaal.

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa sidoo kale soo saaray digniin adag oo ku saabsan, in aysan dadka Safarka ah Naftooda iyo Maalkooda halis ku gelin Toggaas.

Sidoo kale, Laamaha Amniga ayaa lagu wargeliyay in ay soo dhoweeyaan dadka musaafuriinta ah oo ku xanniban Togga Ceeldaahir (Ceeldoofaar) labadiisa dhinac, inta jawigu is beddeli doono.

PUNTLAND POST