Faahfaahin ka soo baxay dagaal beeleed ka dhacay duleedka Beledweyne

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal beeleed hubaysan, oo saaka ka dhacay duleedka degmada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa sid wararku sheegayaan wuxu sababay khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tiro sugan laga hayn khasaarihiisa.

Dagaalka labada malayshiya-beeleed ayaa ka dhashay muran ku salaysan dhul ay isku qabsadeen labada dhinac, kaas oo ku yaalla degaanka Belednuur.

Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan ayaa laga soo xigtay in markii dambe ay ciidamo kala dhex dhigeen labada dhinac, islamarkaana dagaalku istaagay.

PUNTLAND POST