Mahdi Guuleed oo la kulmay Ergayga Qatar

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen xaaladdihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo arrimaha doorashada

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  oo Qoraal uu soo saaray  ku sheegay in sidoo kale Dr. Mutlaq Al-Qahtani ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal.

Waxa aan la kulmay ergeyga gaarka ah Qatar Dr. Mutlaq alQahtani, waxa aannu ka wada hadalnay arrimaha doorashada, siyaasadda iyo iskaashiga labada dal”.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka uga mahadceliyay booqashada u ku joogo Caasimadda dalka ee Muqdisho.

PUNTLAND POST