Laamiga xiriiriya Boosaaso iyo Qardho oo ka go’ay buundada Qayaadsame

Taliyaha qaybta gobolka Karkaar G/Sare Faarax Nuur Maxamed, ayaa dareewaladda gaadiidlaydda ku wargeliyay in hakad la geliyay Isticmaalka wadada laamigga ah ee xiriirisa magaaladda Boosaaso iyo Qardho, ka dib markii roobabkii da’ayay sacadihii lasoo dhaafay ay dhaawac soo gaarsiiyeen mid ka mid ah buun-dooyinka degaanka Qayaadsame.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta isagga oo ku sugan deegaanka Alxamdulilaah, ayaa sheegay in dhamaan gaadiidka lagu celiyay caawa baraha kaan-tarooladda si loo yareeyo khatar kasta oo ka dhalan-karta buundada dhibtu gaartay iyo ilaalinta bad-qabka nafeed iyo midda hantiyeedba ee shacabka.

Waxa uu xusay in hadana ay ku mashquulsan-yihiin sidii looga hawl-geli lahaa hagaajinta wadadaan oo ay wax yeeleen biyo xoog leh oo uu keenay roob 48dii saac ee lasoo dhaafay ka da’ay degaanadaas.

G/Sare Faarax ayaa sidoo kale ku guuleystay in ciidamo gaar ah lagu qaybiyo ilaalinta goobta go’aday si aan cidna uga gudbin, sidoo kale gadiid birta culus ah oo ka shaqaynaya yaraynta khatarta in ay sii balaarato, oo wadada ay dhibaato kale gaarto ayaa goobta la geeyay, waxaana lagu wadaan in beri ay tagaan wafti ka socda dowladda Puntland.

PUNTLAND POST