Ra’iisul wasaare Rooble oo farriin u diray Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ku hambalyeeyay 3-da bisha May, oo ah maalinta xorriyadda saxaafadda Aduunka.

Waxaan ku ammaanayaa ugana mahadcelinayaa suxafiyiinta Soomaaliyeed geesinimada iyo sida ay ugu dhabar adaygeen in ay dalkooda u adeegaan dadkoodana xog siiyaan, iyagoo sanado badan ku shaqeynayay duruufo aad u adag una khatar badan.” Ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ka shaqaynayso in la sii horumariyo jawi ku habboon oo ay saxafiyiintu howlahooda ugu gudan karaan sida ugu wanaagsan iyo in ay helaan xogaha warbaahineed ee ay dowladda uga baahan yihiin.

“Xukuumaddeydu waxa ay ka shaqeyneysaa in la sii horumariyo jawi ku habboon oo ay saxafiyiintu howlahooda ugu gudan karaan sida ugu wanaagsan iyo in ay helaan xogaha warbaahineed ee ay dowladda uga baahan yihiin.”

Sidoo kale, wuxu sheegay in dowladda ay ka go’antahay in la dhawro bad-qabka saxafiyiinta iyo xogsiintooda ay xaqa u leeyihiin xilligan muhiimka ah ee dalkeennu galayo xaalad doorasho, taas oo saxafiyiintana saareysa mas’uuliyad dheeri ah iyo in ay bulshada u gudbiyaan macluumaad la hubo oo aan turxaan lahayn.

Waxaa naga go’an in aan dhowrno bad-qabka saxafiyiinta iyo xogsiintooda ay xaqa u leeyihiin xilligan muhiimka ah ee dalkeennu galayo xaalad doorasho, taas oo saxafiyiintana saareysa mas’uuliyad dheeri ah iyo in ay bulshada u gudbiyaan macluumaad la hubo oo aan turxaan lahayn.” Ayuu sii raaciyay Ra’iisul wasaare Rooble.

PUNTLAND POST