Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada-hadlay xiriirka labada dal

Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya Belel Cusmaan, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka waddanka Russia u fadhiya Soomaaliya iyo Jabuuti Ambassador, Michail Golovanov.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Wasiirka iyo Safiirka ay wada hadleen xiriirka labada waddan iyo xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Qoraalka waxa lagu sheegay, in Safiirku uga ka mahad celiyey Wasiirka qaabilaadda iyo soo dhoweynta uu u sameeyey, waxaana uu u sheegay in dowladda Russia diyaar u tahay wax la qabashada Soomaaliya.

Kulanka labada mas’uul ayaa ku soo beegmay, xilli dowladda Soomaaliya ay cadaadis xoogan kala kulmayso dalalka Reer Galbeedka, kadib mudda kordhintii uu go’aamiyay Aqalka hoose ee Baarlamanka dalka.

PUNTLAND POST