Maraykanka oo dowladda Soomaaliya ugu hanjabay cunaqabatayn iyo xayiraad dhanka socdaalka ah

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay aad uga xumaatay mudda kordhinta aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya u sameeyay hay’adaha dowladda Federaalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka, Antony Blinken ayaa lagu sheegay, in dowladda Maraykanku ay dhawr jeer hore ugu celisay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay gaaraan heshiis la isku raacsanyahay, oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale, wuxu sheegay in mudda kordhinta loo sameeyay dowladda Federaalka ay tahay tallaabo lagu wiiqayo hannaanka federaalka iyo dib u habaynta siyaasadeed oo halbowlaha u ah hormarka iyo xasiloonida Soomaaliya.

Qoraalka waxa lagu caddeeyay, in tallaabadan ay Maraykanka ku khasbi doonto in uu xiriirka u jaro dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana cunaqabatayn iyo xaddidaad dhanka safarka ah ku soo rogo, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasiloonida dalka.

Tallaabadan Waxay ku qasbi doontaa Mareykanka in uu dib u qiimeeyo xiriirkeenna laba geesoodka ah ee aan la leenahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ay ku jirto ka qeyb qaadashada diblomaasiyadeed iyo kaalmada, iyo in la tixgeliyo dhammaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xaddidaadda safarada, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida.” Ayaa lagu yiri qoraalka

Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ugu baaqday, in ay si deg deg miisanka wada-hadalka ugu laabtaan, si heshiis looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

PUNTLAND POST