Maraykanka oo Ciidankiisa kala baxaya dalka Afghanistaan

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa la filaya in uu ku dhawaaqo xilliga Ciidamadda Maraykanka ay kasoo baxayaan dalka Afghanistaan. Saraakiisha Maraykanka ayaa warbaahinta Maraykanka u sheegay in 11-ka bisha Sagaalad ee sanadkan lasoo saari doono ciidanka.

Sida muuqato Maraykanka dib ayuu uga dhici doonaa xilligii la qorsheeyay ee ahaa  bisha May ee sanadkan, taa oo kooxda Daalibaan iyo xukumadii Madaxweynihi hore ee Maraykanka Donald Trump, ay ku heshiyeen sanadkii hore.

Waqtiga cusub ee la qabtay wuxuu ku beegan yahay sanad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay weeraradii argagixiso ee lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Adduunka iyo Pentagon-ka Mareykanka sanadkii 2001-dii.

Sarakiisha Maraykanka iyo Gaashaanbuurta Nato ayaa sheegay in Daalibaan, oo ah Urur xagjir ah, uu ilaa haatan ku guul dareystay in colaada dalkaas ka socoto uu joojiyo ama yareeyo.

PUNTLAND POST