Jarmalka oo ka horyimid mudda kordhinta dowladda Federaalka Soomaaliya

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in go’aankii lagu ansixiyay muddo kordhinta hay’adaha dowladda Soomaaliya, uu yahay go’aan halis ku ah amniga iyo xasiloonida dalka.

Qoraal ka soo baxay dowladda Jarmalka, ayaa lagu sheegay in qaraarkaas uu khatar gelinayo amniga Soomaaliya, waxaana loogu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, in ay dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka.

Jarmalku wuxu u soo jeediyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, in ay sii wadaan wada-xaajoodka, si ay heshiis uga gaaraan arrimaha doorashooyinka.

Wuxu sheegay in ay jiri doonaan tallaabooyin la qaadi doono, haddii dhinacyada Soomaaliya ku fashilmaan in ay heshiis ka gaaraan doorashooyinka.

PUNTLAND POST