Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo ka horyimid mudda kordhinta dowladda

Isu’tagga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya, ayaa si adag uga horyimid mudda kordhinta loo sameeyay golayaasha kala duwan ee dowladda Federaalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Ururada Bulshada Rayidka ah, ayaa lagu sheegay in ay ka horjeedan tallaabada uu qaaday Aqalka hoose ee Baarlamanka dalk,a kaas oo shalay mudda kordhin u sameeyay dowladda.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, in ay sii wadaan Wada-hadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka, si loo xaqiijiyo in dalka doorasho heshiis lagu yahay ka qabsoonto.

Bulshada Rayidka waxay sidoo kale ka digeen in sii socoshada khilaafka siyaasadeed ay ka dhalan karto amni-darro horseedda xadgudub banii’aadanimo.

PUNTLAND POST