Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay mudda kordhintii loo sameeyay dowladda

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe, ayaa shaaciyay in madaxweyne Farmaajo uu fiidnimadii Caawa saxiixay qaraarkii Jihaynta doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanku shalay ansixiyay.

Qoraal kooban oo uu soo saaray wasiir Dubbe, ayuu ku sheegay in madaxweyne Farmaajo si rasmiya u saxiixay sharcigan oo mudda laba sano ah loogu kordhiyay mudda-xileedka golayaasha dowladda Federaalka.

Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay meel-mariyay sharcigan mudda kordhinta ah, kaas oo sidoo kale dhigaya in laba sano kadib doorasho qof iyo cod ah laga higeliyo dalka.

Waxa xusid mudan, in sharcigan mudda kordhinta ay ka horyimaadeen muraacaradka dowladda, maamul goboleedyada qaarkood iyo ururad bulshada Rayidka ah.

PUNTLAND POST