Kismaayo: Sarkaal ka tirsanaa Nabad-sugidda Jubaland oo qarax lagu dilay

Sarkaal ka tirsanaa hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubaland, ayaa lagu dilay magaalada Kismaayo, kadib markii qarax gaarigiisa loogu xiray.

Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Xamdi Maxamed Maxamuud, ayaa ku dhintay qarax oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha Kismaayo, sida laga soo xigtay saraakiil Amni.

Laamaha Ammaanka magaalada Kismaayo, ayaa qaraxa kadib hawlgal baaritaan ah ka sameeyay, kaas oo lagu soo qabtay dad looga shakiyay in ay qaraxaas ka dambeeyeen.

Ma jirto weli cid sheegtay mas’uuliyadda Qaraxa, balse waxa jirta in Al-shabaab ay sheegan jireen qaraxyadii ka dhici jiray Kismaayo.

PUNTLAND POST