Dadweynaha Reer Jabuuti oo saaka doorasho u dareeray

Dalka Jabuuti, waxaa saaka ka bilaabatay cod bixinta madaxtinimada oo ay ku tartamayaan madaxweynaha xilka haya mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo murashaxa Zakariye Ismaaciil Faarax oo ah maal qabeen reer Jabuuti ah.

In ka badan labo boqol oo kun oo qof ayaa loo diiwaan geliyay doorashada oo ka dhacaysa shanta gobol ee Jamhuuriyadda Jabuuti ka kooban tahay, kuwaas oo ka codeyn doono 530 goobood oo ku kala yaala guud ahaan dalkaas, sida ay sheegeen guddiga doorashada.

Madaxweyne Geelle oo 73 sano jir ah, ayaa raadinaya in markii shanaad ku guuleysto kursiga ugu sareeya dalka Jabuuti, isagoo Jabuuti xukumayay tan iyo 1999.

Waxaa si weyn loo saadaalinayaa in uu madaxweyne Geelle si dhib yar ugu guuleysan doono doorashadan, maadaama murashaxiinta mucaaradka ay qaadaceen ka qeybgalka tartankan, ayagoo xukuumadda ku eedeeyay in ay meesha ka saartay madax banaanida guddiga doorashooyinka.

Doorashada waxaa ka qeybgalaya kormeeriyaal ka kala socda, urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika Jaamacadda Carabta, Qaramada Midoobay iyo ururo iyo dalalka.

PUNTLAND POST