Midowga Murashixiinta oo sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan doonayn in dalka doorasho ka dhacdo

Golaha Midowga Murashixiinta Soomaaliya, oo war-saxaafadeed wadajir ah soo saaray, ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu doonayo in uu fashiliyo dhammaan dadaallada ku saabsan xallinta muran doorashooyinka dalka.

Golaha ayaa ku eedeeyay madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday, in uu mar kasta carqalad ku wado in dalka doorasho ka dhacdo, taas beddelkeedana uu doonayo mudda kororsi Dastuurka khilaafsan.

War-saxafadeedka Midowga Murashixiinta, ayaa lagu sheegay in fashil kasta oo ku yimaada shirarka Arrimaha doorashooyinka aan mas’uuliyadeeda lala wadaagi doonin madaxweyne Farmaajo, waxaana loogu baaqay in uusan carqaladayn dadaalka socda.

Sidoo kale, Golaha ayaa amaan u jeediyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, oo sida ay sheegeen dadaal xooggan ku bixiyay in dalka laga qabto doorasho nabdoon oo heshiis lagu yahay.

PUNTLAND POST