Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo kulan gaar ah la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka

Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Kulanka labada dhinac, waxa looga hadlay arrimaha keenay in uu natiijo la’aan ku dhammaado Shirkii Muqdisho uga socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga arrinsanayay ajandaha shirka guud ee arrimaha doorashooyinka.

Wararku waxay sheegayaan, in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay wakiilada Beesha Caalamka u xaqiijiyeen in Shirku uusan dhankooda ka fashilmin, balse madaxweyne Farmaajo uusan doonin in la xalliyo muranka doorashooyinka.

Waxa xusid mudan, in wakiilada Beesha Caalamku ay xalay kulan la yeesheen madaxweynayaasha saddexda dowlad goboleed ee taageersan Villa Somalia ,kuwaas oo Puntland iyo Jubaland ku eedeeyay fashilinta shirkii Afisyooni.

PUNTLAND POST