Maxaa ka cusub Shirkii Muqdisho?

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in uu dib u bilowdo Shirkii u dhexeeyay dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo maalmihii u dambeeyay ka socday xarunta Afisyooni ee Muqdisho.

Shirkan oo ay qaban-qaabisa Beesha Caalamku, waxa looga arrinsanayaa ajandaha iyo ka qayb-galka shirka guud ee arrimaha doorashooyinka, kaas oo dhowaan dhexmari doona dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Kulamo maalmihii u dambeeyay dhexmaray dhinacyada ayaan wax hormar ah laga samayn kadib markii lagu heshiin waayay ajandaha iyo cidda ka qayb-gelaysa shirka guud ee arrimaha doorashada dalka.

Beesha Caalamka ayaa dhinacyada siyaasadda dalka cadaadis ku saaraysa in ay si deg deg ah uga heshiiyaan muranka siyaasadeed ee u dhexeeya, si loo qabto doorasho nabdoon oo loo dhanyahay.

PUNTLAND POST