Maxaa ka run ah xorriyadda Dhabancad sheegay?

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo xalay marti ku ahaa bar-kulanka Club House, ayaa sheegay in suxufiyiinta Puntland ku shaqeeyaan xorriyad aysan helin weriyaasha kale ee Soomaaliyeed.

Wasiir Dhabancad, ayaa hadalkan sheegay mar uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay heerka xorriyadda suxufiyiinta Puntland, oo marar badan cabasho ka muujiyay xarig iyo cabburin ay kala kulmaan xukuumadda madaxweyne Deni.

Haddaba, waxa is weydiin mudan immisa weriye ayaa Puntland lagu xiray mudadii uu xilka hayay madaxweyne Deni, si aan jawaab dhab ah ugu helno heerka xorriyadda suxufiyiinta ku nool Puntland?

Madaxweyne Deni oo la doortay 8-dii January 2019, wuxu xilka hayaa mudda laba sanno iyo saddex bilood ah, waxaana mudadaas Puntland lagu xiray ilaa 8 suxufi oo ka hawl-gelayay warbaahinta kala duwan.

13 July 2019, Booliiska Garoowe ayaa xabsiga dhigay suxufi madax-bannaan Maxamed Siciid Yuusuf (Boqorka), kaas oo war ka duubay nabaddoon dowladda dhaliilay, waxaana la sii daayay 14 maalmood kadib markii wax danbi ah lagu waayay.

17 October 2019, Booliiska Garoowe ayaa xiray suxufi  Axmed Sheikh Maxamed Tallman oo ka tirsanaa Radio Daljir, kadib markii dowladdu dhibsatay war ka baxay idaacadda Daljir. Suxuf Tallman lix maalmood kadib ayaa la sii daayay, kadib markii uu raalli-gelin ka bixiyay warkaas.

5 February 2020, Booliiska Garoowe ayaa xabsiga dhigay suxufi Cumar Maxamed Soomane, kadib markii uu idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ka sii daayay warar Puntland ka caraysiiyay. Hal habeen ayuu ku xirnaa Garoowe kadibna waa la sii daayay.

25 Agoosto 2020, Ciidanka PSF ee Puntland ayaa Boosaaso ku xiray suxufi madax-bannaan Cabdiraxmaan Cabdi Maxamed (Xudayfi), waxaana la sii daayay  saddex maalmood kadib, inkastoo aan la shaacin qaladka lagu haystay.

26 December 2020, Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa xirtay weriye Kilwe Aaden Faarax oo eedaymo kala duwan loo jeediyay, islamarkaana laba jeer la xukumay, balse la sii daayay 22 March 2021 kadib markii madaxweyne Deni Cafis u fidiyay.

11 January 2021, Ciidanka PMPF ee Puntland ayaa Boosaaso ku xiray suxufi Maxamed Cabdi Lakiman oo ka tirsan Radio Daljir, kadib markii uu qoray war la xiriira ciidanka, inkastoo la sii daayay lix saacadood kadib.

22 February 2021, Ciidanka madaxtooyada Puntland ayaa Boosaaso ku xiray suxufi Axmed Bootaan, saacado uun kadib markii uu shacab Boosaso ka duubay Ra’yi uruurin ku saabsan khudbad madaxweyne Deni jeediyay, waxaase la sii daayay maalintii xigtay..

25 February 2021, Booliiska Garoowe ayaa xabsiga u taxaabay weiye Cabdifitaax Cabdullaahi Faarax (Dalla’aan) oo isna shacabka Garoowe ka uruuriyay ra’yi ku saabsan khudbaddii madaxweyne Deni kaga hadlay xaaladda dalka. Cabdifitaax waxa la sii daayay kadib 2 saacadood oo uu xabsiga ku jiray.

Sidoo kale, suxufiyiin kala duwan oo ku nool Puntland ayaa sheegay in ay handadaad iyo cabburin kala kulmeen xukuumadda madaxweyne Deni, waxaana jirta in weriyaasha qaarkood dalka dibaddiisa u baxeen.

Puntland Post

Cabdiraxmaan Ciise