dowladda Iran iyo Quwadaha dunida oo shir ka yeeshay arrimaha niyukleerka Iran

Wada-xaajoodka barnaamijka niyukleerka Iran

Dowladda Iran iyo dalalka loogu yeero quwadaha dunida, ayaa shalay yeeshay mar kale bilaabay wada-xaajood, si xal loogu helo barnaamijka niyukleerka Iran.

Dhinacyada ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen, dhismaha guddi kasoo shaqeyn doona sidii uu Mareykanka cunaqabeynta uga qaadi lahaa Iran, iyo sidi ay Tehran u joojin laheyd bacriminta maaddada yuraaniyamta ee laga sameeyo hubka niyukleerka.

Wadahadalki shalay  waxaa ka qeybgalay, wakiillo ka kala socday dalalka Iran, Britain, China, France, Germany iyo Russia. Kulanka oo uu guddoomiyay Midowga Yurub ayaa waxaanan ka qeybgalin Mareykanka.

Dhex-dhexaadiyaal ka socda Yurub ayaa isku dayaya in ay magaalada Vienna ee caasimadda Austria isugu keenaan, saraakiil ka kala socda Washington iyo Tehran, si la isugu dayo in dhammaan dhinacyada ku lugta leh ay dib ugu soo laabtaan heshiiskii sannadki 2015-ki ee niyukleerka Iran.

PUNTLAND POST