dad ku dhintay shil gaari oo ka dhacay gudaha Kenya

Inta la xaqiijiyay shilka ayaa waxaa ku dhintay 20 Ruux halka ay ku dhaawacmeen 14 kale, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magalada gaarisa, waxaa sidoo kale burbur xoogan uu gaaray Gawaaridii shilka gashay.

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Kilifi Kutswa Olaka ayaa xaqiijiyay shilkaas, waxaana uu sheegay in dadka dhintay ay ku jiran labadii Daarawal ee Basaska waday.

Waxaa intaas uu ku daray in dhowr shaqaale dowladeed ah oo katirsan dowlad deegaanka Kilifi ay shilka ku dhinteen, isla markaana ay wadaan baritaano la xiriira sababihii keenay inay labada Bas isku dhacaan.

Wadada xiriiriso deegaanka Malindi iyo magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay Shilal Gaari oo geystay khasaaro kala duwan, iyada oo booliska Kenya ay baritaan ku hayaan sababihii ka dambeeyay.

PUNTLAND POST