Wadahadalo ku saabsan Nukliyeerka Iiraan oo maanta ka furmay Vienna

Dhinacyadii ka qeyb galay heshiiska Nukliyeerka ee sanadkii 2015 lagu gaaray caasimada Austria una dhaxeeyay Iiraan iyo kooxda (5 + 1) oo kala ah Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska iyo Faransiiska oo lagu daro Jarmalka, ayaa ku kulmi doona Vienna maanta oo Talaado ah.

Ka bixitaankii Washington heshiiskan kadib waxaa looga yeeray kooxdan (4 + 1) waxii ka danbeeyay sanadkii 2018, xiligaas oo Mareykanka xukumaayay Donald Trump,  kaa oo ka Biyo diiday qeyba kamid ah heshiiska.

laba koox oo khubaro ah ayaa si isku mid ah diiradda u saari doona fududeeynta cunaqabateynta Mareykan  uu saaray Iiraan ah oo dhinac ah, iyo waxii ka suura galay ballanqaadyadii Nukliyeerka ee Iiraan oo dhinac kale ah, sida lagu sheegay war ay baahisay Wakaaladda wararka ee AFP, oo u soo xigatay saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Yurub.

Xaaladda wada hadalada oo u muuqda kuwa isbadal ayaa hiigsanaya in Washington iyo Dahraan, ay ku noqdaan ballanqaadyadoodii hore si loo helo miro dhalka kulanka, inkasta oo ay dhici karto in wax laga badallo  go’aandii hore.

PUNTLAND POST