Shir ku saabsan Amniga Gobolka Bari oo Boosaaso lagu qabtay

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland, Maxamed Cabdullaahi Cusmaan  (Majiino) ayaa shir Gudoomiyay kulanka guud ee Amniga Gobalka Bari, oo xalay lagu qabtay Xafiska Duqa Degmada Bosaaso.

 Kulanka waxa  goob joog ahaa dhamaan Gudiga Amniga Gobalka Bari, Sarakiil ka socotay Madaxtooyada Puntland Lataliyaasha Dhinaca Amniga Madaxweynaha dowlada Puntland.

Sidoo kale,  shirkaan ayaa waxa ka qeyblay Gudoomiyaasha Xafadaha Bosaaso, Maamulka Gobolka Bari kan Degmada Bosaaso.

Saraakiisha Amniga iyo mas’uuliyiinta ka qeybgalay kulankaan ayaa isla wadaagay latashiyo dhinaca amaniga ah,is looga shaqeeyo nabad galyada Magaalada iyo Guud ahaan Gobalka Bari.

PUNTLAND POST