
Dowladda hoose ee degmada Garoowe, ayaa maanta si rasmiya u daah-furtay mashruuc ku saabsan dhiraynta iyo cagaarinta magaalada.
Barnaamijkan oo la baxay cagaarinta caasimadda, waxa iska kaashanaya dowladda hoose iyo shacabka Garoowe, waxaana daah-furay duqa degmada Axmed Siciid Muuse oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale.
Xubno ka tirsan ururka dhalinyarada Gobolka Nugaal,oo kaalin muhiim ah ka qaadan doona hirgelinta barnaamijkan ayaa sidoo kale goob-joog ahaa munaasabadda.
Mashruuca oo ku jihaysan hagaajinta bilicda caasimadda, ayaa la doonayaa in laga fuliyo dhammaan xaafadaha kala duwan ee Garoowe.
Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan
PUNTLAND POST