Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta warbaahinta kula hadlay Boosaaso, ayaa ku dhawaaqay hawlgal culus oo ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo looga jawaabayo weerarkii habeen ka hor lagu qaaday xabsiga Boosaaso.

Madaxweyne Deni, wuxu sheegay in hawlgalkii u dambeeyay oo sifayn ah maalmaha soo socda lagu qaadi doono kooxaha ka tirsan Al-shabaab ee ku sugan Buuraleyda Gobolka Bari, islamarkaana si rasmiya loo soo af-jari doono dhammaantood.

Mudane Deni, wuxu sidoo kale ballan-qaaday in baaritaan buuxa lagu samayn doono dhacdadii habeen ka hor lagu weeraray xabsiga weyn ee Boosaaso, taas oo cid kasta oo lagu helo tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Hoos ka daawo muuqaalkiisa

PUNTLAND POST