Dagaal culus oo ka socda xabsiga weyn ee Boosaaso

Dabley hubaysan ayaa Caawa weerar qaraxyo ku bilowday la beegsaday  xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Gobolka Bari.

Dagaal xooggan oo laba dhinac ah, ayaa haatan ka socda xabsiga weyn, waxaana bannaan xabsiga ka soo dhacaya duqeyn hoobiyaal ah, sida ay sheegeen saraakiisha Amniga.

Cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa goobta gaaray, waxaana saraakiishu tilmaameen in kooxda weerarka soo qaadday ay go’doon ku jiraan, islamarkaana aysan ku guulaysan in ay xabsiga la wareegaan.

Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa laga soo sheegayaa goobta, balse lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah maadaama dagaalkaas weli socdo.

PUNTLAND POST