
Wasiirka Amniga dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa amar ku bixiyay in la burburiyo dhammaan bogcadaha laga samaystay dooxooyinka Bixin iyo Woow oo dhaca duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe.
Wasiir Gallan, oo tixraacaya dikreeto Madaxweyne, oo lagu mamnuucay degaameysiga dooxooyinka Bixin iyo Woow, ayaa sheegay in aysan waxba iska beddelin go’aankii dowladda Puntland ku joojisay degaameysiga dooxooyinkaas oo loo aqoonsaday dhul-daaqsimeed.
Mr Gallan, wuxu tilmaamay in ay jiraan dad jebiyay Amarkii dowladda, islamarkaana bogcado degaameysi ka bilaabay dooxooyinka Bixin iyo Woow, waxaana uu Laamaha kala duwan ee Amniga faray in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan dadkaas.
17-kii July 2019, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dikreeto uu soo saaray ku mamnuucay in wax degaameysi ah laga sameeyo dooxooyinka Bixin iyo Woow, isagoo sheegay in dowladda Puntland u aqoonsatay dhul-daaqsimeed.
PUNTLAND POST