Al-shabaab oo fagaare ku toogtay Rag ay ku tilmaameen basaasiin

Dagaallamayaasha Al-shabaab, ayaa fagaare ku yaalla degmada Jilib ee Gobolka Jubad dhexe ku toogtay shan nin, oo ay ku tilmaameen basaasiin u shaqaynayay dowladda Maraykanka.

Maxkamadda Al-shabaab ayaa sheegtay in shanta ruux dhammaantood lagu helay, in ay basaasiin u ahaayeen diyaaradaha Drones-ka Maraykanka oo duqaymo ka fuliya degmada Jilib ee Gobolkaas Jubada dhexe.

Magacyada dadka la toogtay ayay Al-shabaab ku sheegtay Abuukar Xasan Maxamed,Xasan Maxamuud Maxamed (Xasan dheere ), Mahad Cabduqaadir Aadan (Mahad Qaadoole), Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan, Macalin Abuukar Maxamed Calasow.

Fagaaraha toogashadu ka dhacday, waxa daawanayay saraakiil ka tirsan Al-shabaab iyo qaar kamid ah dadweynaah jilib, oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

Al-shabaab ayaa inta badan xukunno dilal ah ka fuliya degaannada ay ka taliyaan ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST