Somaliland oo wefdi u dirtay xallinta xiisada ka dhex aloosan Ciidamada ku sugan Sool

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani, oo ay weheliyaan saraakiil kala duwan, ayaa maanta booqday cutubyo ka tirsan Ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool.

Mas’uuliyiintan ayaa markii ay gaareen magaalada Laascaanood, waxa ku soo dhoweeyay Taliyaha Ciidamada Somaliland ee Aagga Bari S/Guuto Cali Barre Xuseen, waxaana ay kormeer ku sameeyeen xarumaha Ciidamada Somaliland ee Laascaanood.

Sidoo kale, waxay warbixinno ka dhegaysteen Saraakiisha ugu sarraysa Ciidamada Somaliland ee Gobolka Sool gaar ahaanna magaalada Laascaanood, iyadoo la filayo in ay sidoo kale booqdaan jiidda Tukaraq iyo nawaaxigeeda.

Ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool, gaar ahaanna jiidda Tukaraq ayaa maalmihii u dambeeyay gadood sameeyay, waxaana dhexdooda ka bilowday xiisad colaadeed oo u dhexaysay Ciidanka Gobolka u dhashay iyo kuwa ka yimid Burco iyo Hargeysa, iyadoo wararku sheegayaan in mas’uuliyiintan u socdaan xallinta khilaafkaas ciidan.

PUNTLAND POST