Nigeria: Dabley hubaysan oo sii daayay 279 gabdhood oo Arday ah

Guddoomiyaha Gobolka Zamfara ee waqooyi Galbeed Nigeria Bello Matawalle, ayaa saaka oo Talaado ah xaqiijiyay in la sii daayay 279 gabdhood oo Arday Iskuul ah, kuwaas oo Jimcihii la soo dhaafay dabley hubaysan ka afduubtay Gobolkaas.

Dabley hubaysan oo ka tirsan ururka Boko Haram, ayaa Jimicii afduubtay Ardaydan oo dhiganayay iskuul dowladeed oo lagu barto Kasmooyinka Sayniska, sida laga soo xigtay Guddoomiye Matawalle.

Ardaydaas waxa laga af-duubtay Jangebe ee Gobolka Zamfara, waxaana tiradoodu ahayd 317 gabdhood, balse waxa la sii daayay 279 oo keliya, sida uu tilmaamay Mr Bello Matawalle.

Sidoo kale, wuxu sheegay in xaaladda Caafimaad ee Ardayda la soo daayay ay wanaagsantahay inkastoo uusan faahfaahin ka bixin qaabka lagu soo daayay.

PUNTLAND POST