Madaxweyne Sarkozy oo xabsi lagu xukumay kadib markii dambi lagu helay

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa lagu helay dambi musuq-maasuq, waxaana lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah.

Sarkozy ayaa maxkamad ku taalla Paris waxay ku heshay inuu isku dayey inuu si sharci-darro ah saameyn ugu yeesho garsoore maxkamadeed, intii uu madaxweynaha ahaa.

Muddada xabsiga ayaa waxaa ku jira laba sano oo la hakiyey, oo macnaheedu yahay inay u badan tahay in Sarkozy uusan geli doonin xabsi.

Waxaa hubanti ah in Sarkozy uu racfaan ka qaadan doono xukunka, islamarkaana uu xor sii ahaan doono, iyada oo aysan jirin amar soo xiritaan ah oo loo soo saaray.

PUNTLAND POST