Rooble oo magacaabay gudi qaban-qaabiya banaan-bax dowlada looga horjeedo

Guddiga kowaad oo Ra’iisul wasaare Rooble magacaabay islamarkaana ka shaqayn doona qaban-qaabada bannaanbax nabadeed oo looga horjeedo dowladda wuxu ka koobanyahay lix xubnood oo kala ah:

1.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xasan Xundubay Jimcaale

2. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)

3. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala)

4. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

5. Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle

6. Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.

Guddiga labaad oo baaritaan ku samayn doona dhacdooyinkii Rabshadaha watay ee Jimcihii 19 February ka dhacay Muqdisho waxay kala yihiin:

1. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe.

2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji

3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare

4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise

5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud

6. Xuseen Macalin Maxamuud

Go’aankan ayaa soo baxay kadib kulan gaar ah oo maanta dhexmaray Ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga Murashixiinta mucaaradka kaas oo ka qabsoomay Hoteel Decale Muqdisho.

PUNTLAND POST