Ra’iisul wasaare Rooble maanta kulan gaar ah la yeelanaya Midowga Murashixiinta

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta oo Isniin ah mar kale kulan gaar ah la yeelan doona Midowga Murashixiinta Muqdisho.

Kulanka oo sida qorshaysan ka qabsoomi doona Hoteelka Decale ee magaalada Muqdiso, waxaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimaha ka qabsoomay Heshiiskii todobaadkii hore dhexmaray labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka.

Midowga Murashixiinta ayaa doonaya in laga qayb-geliyo shirarka ku saabsan xal u helidda muranka doorashada, kuwaas oo lagu go’aamin doono hirgelinta doorashada madaxtinimada dalka.

Kulankii hore u dhexmaray Ra’iisul wasaaraha iyo Midowga Murashixiinta, ayaa baajiyay bannaanbaxyo ay iclaamiyeen mucaaradka oo laga cabsi qabay in ay Muqdisho ka dhacaan.

PUNTLAND POST