Ciidamada Somaliland ee Tukaraq oo qarka u saaran in dagaal ka dhex qarxo

Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in xiisad dagaal ka bilaabatay laba ciidan oo ka wada tirsan Somaliland, kuwaas oo ku sugan jiidda Tukaraq.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Somaliland oo ka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa dhaqdhaqaaq iyo xiisad colaadeed ka bilaabay Tukaraq, kadib markii ay ka gadoodeen xuquuq la’aan iyo hab-dhaqanka Taliyaasha sare ee Ciidamada maamulkaas.

Ciidanka gadooday ayaa laga cabsi qabaa in ay weerar ku qaadaan Ciidamada kale oo ka soo jeeda dhinaca Burco iyo Hargeysa, waxaana labada dhinacba samaynayaan dhadhaqaaq ciidan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Reer Sool ah.

Xiisaddan ayaa ku soo beegmatay todobaad, kadib markii Ciidamada Somaliland ee ku sugan Tukaraq ay sameeyeen cabasho iyo gadood ciidan, islamarkaana qaybtood dib uga baxeen Tukaraq iyo nawaaxigeeda.

PUNTLAND POST