Dagaal culus oo ka dhacay degmada Qansax-dheere

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay, kaas oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday degmada Qansax-dheere, ayaa la soo weriyay in ay iska caabin kala kulmeen Ciidamada dowladda degmadaas ku sugan.

Dhinaca kale, Maamulka degmada Qansaxdheere oo warbaahinta la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga degmada Qansax Dheere Maxamed Mukhtaar Cabdi, ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, halka 12 kalena lagu dhaawacay, kuwaas oo qaarkood dhaawac lagu qabtay.

Dhanka Al-shabaab, weli war kama soo saarin khasaaraha dagaalka, islamarkaana lama xaqiijin karo sheegashada Maamulka degmada Qansax-dheere.

PUNTLAND POST