Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo cunaqabateyn saaray sadex horjooge oo ka tirsan shabaab

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah u taageeray in xayiraad la saaro saddex xubnood oo ka tirsan kooxda shabaab

Xubnahan Al-shabaab ayaa kala ah Abuukar Cali Aadan oo ah ku xigeenka hogaamiyaha shabaab,Macalin Ayman iyo Mahad Karataay.

Dowlada Soomaaliya oo kaa shaneysa dalka Mareykanka ayaa arintan ka dalbatay Golaha Amaanka.

Talaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay wasaarada arimaha dibadda ee Mareykanka

Erica Barks-Ruggles  oo ah saraak sare oo ka tirsan xafiiska arimaha heyadaha caalamiga ee wasaarada arimaha dibadda Mareykanka ayaa arintan ku tilmaantay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya

PUNTLAND POST