Eritrea oo war kasoo saartay xasuuq loo heysto in ay ka geysatay Tigray

Dowladda Eretariya ayaa sidii caadada u ahayd u beenisay eedeymo ku saabsan in militarigeeda ka dagaallamaya gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya ay dileen boqollaal qof oo ku sugnaa magaalada Aksum, labo maalmood oo ka tirsanaa bishii November gudahood.

Warbixin ay soo saartay hayadda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu sheegay in dil wadareedka la fuliyay 28-kii iyo 29-kii bishii November uu noqon karo fal dambiyeed ka dhan ah bani’aadannimada.

Hase yeeshee, Wasiirka Warfaafinta ee Ereratiya, Yemane G Meskel, ayaa eedeyntaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Mr Meskel ayaa sheegay in la ogyahay in xeradaas dadka ku jira intooda badan ay yihiin dagaalyahannadii daacadda u ahaa xisbiga TPLF ee cararay kaddib markii lagu eedeeyay in ay xaquuq ba’an ka geysteen magaalada Mai-Kadra, xilligii ugu horreeyay ee uu dagaalka qarxay.

Amnesty ayaa sheegtay in warbixinteeda ku saabsan xasuuqa Aksum ay ka diyaarisay wareysiyo ay la yeelatay qaxootiga gobolka Tigray ka tagay ee ku sugan Suudaan, sidoo kalena ay khadka telefoonka ku wareysatay dad badan oo ku sugan magaalada, goob joogna ka ahaa dhacdooyinka.

PUNTLAND POST