Ciidamada Eritrea oo xasuuq ka gaystay gudaha Itoobiya

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay waxa ay ku sheegtay in boqollaal qof oo rayid ah oo aan hubaysnayn ay ciidammada Eritrea bishii Nofeembar ee sanadkii tegay ku xasuuqeen magaalada taariikhiga ah ee Axum ee waddanka Itoobiya, intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray.

Hay’adda ayaa waxa ay ciidammada Itoobiya kuwa Eritrea ku eedaysay inay gaysteen dambiyo badan oo dagaal waqtigii ay wadeen dagaalkii ay magaalada kula wareegayeen.

Dowladda Itoobiya ayaanan weli ka jawaabin warbixinta Amnesty International hasayeeshee Khamiistii ayey sheegtay in goor hore bilowday baaritaanka dambiyadii laga gaystay gobolka Tigray.Eritrea wali kama aysan hadlin eedeymahan.

Dilal aan sharciga waafaqsanayn, duqeymo aan loo meel dayin iyo boob baaxad leh ayaa ka mid ah tacaddiyada hay’adda Amnesty International ay ku eedeynayso ciidamada Eritrea in ay ka geysteen magaalada Axum, kaddib markii ay ciidamada Itoobiya gacan ka siiyeen in ay dib u qabsadaan magaaladaasi.

PUNTLAND POST