Milateriga Soomaaliya oo soo bandhigay xubno ka tirsan Al-shabaab

Milateriga Soomaaliya oo ay weheliyaan ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa hawlgal qorshaysan ku qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab sida laga soo xigtay saraakiil ciidan.

Hawlgalkaas oo laga fuliyay tuulooyin hoostaga degaanka Awdiinle ee Gobolka Baaya waxa lagu qabtay afar xubnood oo Al-shabaab ah balse lama soo werin khasaare dhashay.

Saraakiisha ayaa soo bandhigay sawirada shakhsiyaadka lagu qabtay Hawlgalkaas inkastoo aysan weli magacyadooda shaacin.

PUNTLAND POST